Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Almaas Elman oo maanta lagu toogtay gudaha xarunta Xalane ee Muqdisho

Waa marxuumadda Almaas Elman ee maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta xeradaha ciidamada AMISOM ee Xalane lagu dilay gabar lagu magacaabi jiray Almaas Elman Cali, sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa.

Gabadhaan oo wadatay gaari yar ayaa lagu dhex dilay gudaha Xalane, lamana oga cidda gaysatay toogashada lagula dhaqaaqay gabadhaan.

Almaas Elman ayaa mar soo noqotay Xoghayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, sidoo kale waa gabar u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay geerida Almaas Elman.

Marxuumadan maanta la dilay ayaa waxaa dhalay Elman Cali oo ahaa nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo horay loogu dilay Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...