Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Sanaag & Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay

Sanaag (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahino cusub oo dheeraad ah kasoo baxaya dagaal Khasaare geystay oo labo maleeshiyo beeled ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu udhaxeeyay laba maleeshiyo beelood oo ka tirsan labada beelood ee deegaanka Waqdariya wada dega, waxaana la sheegay inay labada dhinacba ay isku adeegsanayaan hub culus.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada dhinac ay ku murmurmeen dhul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariya iyo tuulooyin ku dhaw.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaasi oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay is-dhaafsnayaan labada dhinac.

Waxaa dab la qabadsiiyay qeybo ka mid ah deegaanka Waqdariye ee gobolka Sanaag, sida dadka deegaanka ay ku soo warramayaan. Sidoo kale goobaha la gubay ayaa ka mid ahaa Masaajid ku yaalla deegaankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...