Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo & Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka warbixiyay

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya, in dagaal khasaare geystay uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed oo faah-faahin ka bixiyay weerarkaas ayaa sheegay in Ciidamada uusan wax khasaara ah ka soo gaarin dagaalkaas.

G/sare Ibraahim ayaa xusay, in Al-Shabaab dhankooda dagaalkaas lagu gaarsiiyey khasaaro, islamarkaana Xubno ka tirsan oo aad looga yaqaanay deegaannada koonfur Galbeed, iyada oo uusan sheegin Magacyadooda.

Xaaladda deegaanka lagu dagaallamay ayaa lagu soo warramayaa in xaaladda iminka ay tahay mid deggan, balse ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...