Sanaag (Halqaran.com) – Waxaa maanta maamulka gobolka Sanaag ee Puntland uu shaaciyey in ay Puntland ku soo biireen saldhiggii iyo ciidamadii Somaliland u joogay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu dambeeyey ee Somaliland u joogay Deegaanada ku xeeran magaalada Badhan oo horay ciidankii u joogay ay ugu biireen Puntland.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin Ciidamadan kale ee ku Biiray Puntland oo Mudooyinkii dambe xoojisay saamaynta ay ku leedahay gobolka Sanaag.
Ugu dambeyn, waxaa siwayn loo xasuustaa Hadalkii taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Nuux Taani uu sheegay markii Ciidamadii Badhan ku sugnaa ay ku biireen Puntland, isagoo xusay inay ahaayeen Ciidamo culays uun ku hayey Somaliland, balse aan waxba u qaban jirin, wuxuuna xiligaasi Codsaday in kuwa kale ee harayna ay raacaan.
Halka hoose ka Daawo Sawirrada:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com