Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Puntland oo markale soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka soo goostay Somaliland

Sanaag (Halqaran.com) – Waxaa maanta maamulka gobolka Sanaag ee Puntland uu shaaciyey in ay Puntland ku soo biireen saldhiggii iyo ciidamadii Somaliland u joogay  magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu dambeeyey ee Somaliland u joogay Deegaanada ku xeeran magaalada Badhan oo horay ciidankii u joogay ay ugu biireen Puntland.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin Ciidamadan kale ee ku Biiray Puntland oo Mudooyinkii dambe xoojisay saamaynta ay ku leedahay gobolka Sanaag.

Ugu dambeyn, waxaa siwayn loo xasuustaa Hadalkii taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Nuux Taani uu sheegay markii Ciidamadii Badhan ku sugnaa ay ku biireen Puntland, isagoo xusay inay ahaayeen Ciidamo culays uun ku hayey Somaliland, balse aan waxba u qaban jirin, wuxuuna xiligaasi Codsaday in kuwa kale ee harayna ay raacaan.

Halka hoose ka Daawo Sawirrada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...