Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa looga hadlay Shirkii maanta ka furmay magaalada Baydhabo, Yaase ka soo qeybgalay (Akhri Magacyadooda)

Baydhabo (Halqaran.com) – Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu maanta uu shir uga furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad.

Wariyeyaasha Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in shirka ay goobjoog ka yihiin dhammaan Gudoomiyeyaasha Gobolada & Degmooyinka Koonfur Galbeed, ayna kala qaybgalayan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, C/laahi Aadan Maxamed (Farey), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mustaf Sheekh C/laahi iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh Dowladaha Hoose iyo gargaarka bani’aadanimo.

Shirka ayaa waxaa looga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin horumarka la gaaray, sidii loo dardar-gelin horumarkaasi iyo maamul wanaagga.

Madasha uu shirka ka furmay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...