Monday, April 20, 2026
30.5 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BF Somaliya oo maanta la horgeeyay sharciga doorashooyinka Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta yeeshay Kulankii 26-aad ee Kalfadhiga 6aad ee uu shir guddominayay guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay Guddi Xildhibaanno ah oo ka koobnaa todoba xubnood oo Gudomiye u yahay Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyagoo ka soo shaqaynaya  sharcigaan, isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan Senatorada.

Waxay aheyd 27-kii bishii December markii Golaha shacabka ay meel mariyeen sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...