Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BF Somaliya oo maanta Ansixiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Kulankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad ayada uu shir Guddominayo Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.
2)Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Waxaa Ogaalada 25 Senatar,Waxaa diiday 4 Senatar, Wax ka aamusay majirin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...