Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Duqa Muqdisho iyo Madaxda Ciidanka AMISOM oo maanta arrimo xasaasi ah isla meel dhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Muqdisho, ahna guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Amb. Francisco Caetano Madeira.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku qaabilay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Qoraal la soo dhigay barta Maamulka Gobolka Banaadir uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo Doorashooyinka Dalka.

“Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Amisom ayaa ka wada hadlay suggida amniga Caasimadda, la ladagaalanka argagixisada iyo u diyaargarowga doorashooyinka soo socda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay Dowladda Federaalka ka caawiyan arrimaha amniga, la dagaalanka Ururada Al Shabaab iyo Daacish iyo inay si nabadgelyo ah ku qabsoomaan doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...