Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DAAWO MUUQAAL: Xasan Daahir Aweys oo weeraray Sheekh Shariif, ‘‘Madaxweyne Sheekh Shariif Waa Qiyaanoole Daneyste ah‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyihii hore ee Ururka Xisbul Islaam, balse haatan Dowladda Soomaaliya u xiran ayaa eedeen culus u jeediyay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Muuqaal uu soo Duubay ayuu ku sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu yahay qiyaanoole, islamarkaana dhanka dhaqanka iska shabahaan Maxamed Siyaad Bare oo Soomaaliya Madaxweyne kasoo noqday.

Xasan Daahir Aweys, ayaa sidoo kale sheegay in Shariif uusan Muqdisho ka saarin Ciidamadda Ethopia, Mooryaanta iyo Al-Shabaab, kursigana si Sahlan ku helay uuna ilaaway dadkii howsha waday.

Sheekh Xasan Daahir Aweys Hoggaamiyihii Hore ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in Shariif uu yahay daneyste, islamarkaana markii dantiisa uu gaaro uu dadka ilaawo.

”Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Sheekh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Sheekh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay,markii ugu dambeysay Xasan Sheekh ayuu siin waayey 40 cod oo uu heystay xilligii doorashada, Howsha waxay aheyd qabiil, markii uu codka siin waayey ayaan ka quustay Shiikh Shariif” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Xasan Daahir Aweys:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...