Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Ciidamo Hor leh oo la Geeyay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com)- Waxaa Maanta oo isniin ah Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka degtay diyaarad sida Cutubyo hor leh oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Harmacad.

Ciidankan gaaray Dhuusamreeb oo tirro ahaan gaaraya ilaa iyo 50 Askari ayaa waxaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb.

Dowladda ayaa dhowr jeer oo horey Dhuusamareeb ku daabushay Ciidamo kala duwan, kuwaasi oo ay sheegtay inay qeyb ka noqonayan sugida amniga Magaalada iyo xoreynta deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug, iyadoona halkaas haatan ay ka socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub, iyadoona arrimahaas ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...