Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Ciidamada daraawiishta K/Galbeed oo soo bandhigay hub ay howlgal ku qabteen +(SAWIRRO)

Berdaale (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Berdaale ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmadaasi howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen hub farabadan iyo Agab kale.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ka sameeyeen Deeganka Moorawarabe oo 20-KM u jirta Degmada Berdaale, isla markaana ay beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Berdaale, Maxamed Isaxaaq Aracase ayaa soo bandhigeyay rasaasta loorar ay lacag Shillin Soomaali ah ku jirtay iyo Agab kale, iyaga oo sheegay inay kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay, guddoomiyaha in Al-Shabaab deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Baay ay ka saari doonaan gaar ahaan kuwa hoos yimada Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...