Tuesday, October 28, 2025
25.4 C
Mogadishu

China oo la soo oggaaday in ‘Saldhig qarsoodi ah’ ku leedahay gudaha dalka Netherlands

Nairobi (Halqaran.com) – Wasaaradda arrimaha dibedda Netherlands ayaa maanta sheegtay inay baareyso warbixino sheegaya in China ay laba saldhig oo boolis oo sharci darro ah ka sameysatay dalkaas, kuwaas oo ay u adeegsato inay ku dhibaateyso mucaaradka.

Warbaahinta Netherlands ayaa ku warramay in xarumahan oo ku yaalla Amsterdam iyo Rotterdam lagu sheegay kuwa yabooha caawimaad diblomaasiyadeed, balse aan lagu wargelin dowladda Netherlands.

Saldhigyada booliis waxaa loo adeegsadaa in lagu aamusiyo mucaaradka siyaasadeed ee Shiinaha, waxaa sidaas weriyey warbaahinta RTL iyo website-ka sirta baara ee Follow the Money, kuwaas oo soo xigtay mucaarad Shiinees ah oo ku nool dalka Netherlands.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda China ayaa sheegtay in warbixinadaas ay gebi ahaan yihiin been, waxayna intaas ku dartay in goobaha adeegga looga dan leeyahay in muwaadiniinta dibadda ku nool looga caawiyo arrimo ay ka mid yihiin inay cusbooneysiiyaan shatiga wadista baabuurka.

HalQaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...