Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadda duullimaadyada Ingiriiska ee British Airways ayaa hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qaahira ee dalka Masar tallaabadaas oo ay ku macneysay mid ay feejignaan ay ku muujinayso.
Shirkadda ayaa dhammaan macaamiisheeda doonayay in ay raacaan London kuna wajahna Qaahira si lama filaan ah ugu wargelisay in ay joojisay safarkeedii ay ku tagi lahayd Qaahira muddo todobaad ah.
Shirkaddu si rasmi ah uma aysan qeexin sababta dhabta ah ee ammaan ee ku khasabtay in ay qaadato go’aanka ay ku hakinayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Qaahira.
Afhayeen u hadlay British Airways ayaa sheegay in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ammaan ee garoomada ay duullimaadyada ku tagaan sidaa awgeedna muddo todobaad ah ay tallaabooyin qiimeyn ah samayn doonaan.
Afhayeenka waxa uu hoosta ka xarriiqay in mudnaan kowaad ay siinayaan bad-qabka macaamiisha shirkadda iyo shaqaalaheeda.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa iyana jimcihii muwaadiniinteeda u safraya Masar u dirtay digniino ay ku sheegeyso in ay jirto halis isa soo tareyso oo argagixisadu ku beegsan karaan dayuuradaha, sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in ay hirgaliyaan tallaabooyin lagu hubinayo ammaanka dayuuradaha ka imanaya Qaahira eek u wajahan London
Sabtidii aannu kasoo gudubnay ayay ahayd marka shirkadda duullimaadyada Lufthansa ee dalka Jarmalka ay joojisay laba duullimaad oo ay ku tagi lahayd Qaahira.
Madaxa hay’adda duullimaadyada Masar Saami al-Xifni ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay laba wagelin oo is xiga oo kaga timid British Airways iyo Lufthasa kuwaasoo sheegay in ay hakiyeen duullimaadyadii Qaahira isaga oo tilmaamay in ay iskaashi la samaynayaan shirkadaha joojiyay duullimaadyada daba galna ku samayn doonaan walwalka ammaan ee ay qabaan.
Marka laga soo tago labada shirkadood ee hakiyay duullimaadyadii ay ku iman jireen Qaahira waxaa si caadi ah u shaqeynaya dhammaan shirkadaha kale ee sameeya duullimaadyada caalamiga ah ee ka howlgala Qaahira.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com