Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Beledweyne oo Dad ugu Geeriyooday Fatahaadda Wabiga shabeele

Muqdisho(Halqaran.com)-Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dadkii ay doontu saakay kula dagtay wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne, waxay dadka ku howlan gurmadka loo fidinayo dadkii ku harqaday biyaha ay sheegeen inay ku geeriyoodeen dad ay ka mid yihiin Dahabo Xasan iyo Deeqo Axmed oo ka mid ahaa dadkii ay saaka Doonto la qalibantay.

Dahabo Xasan Axmed waxa ay aheyd la taliyihii arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana ilaa hadda la helin meydkeeda.

Allaha u naxariistee Deeqo oo iyadu aheyd gabar u dhaq dhaqaaqda arrimaha Bulshada ayaa goordhow maydkeeda laga helay gudaha Wabiga Shabeelle oo ay saakay kula dagtay Doon ay uga talaabayeen biyaha

Sidoo kale waxaa jira dad uu ka mid yahay xoghayihii guddoomiyaha Beledweyne oo aan wali nolol iyo geeri midna lagu heyn, kuwaas oo haatan ay magaalada dul wareegayaan diyaarado Helicopter ah lagu baadi goobayo.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...