Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

TOP NEWS: Gaari AMISOM oo Bajaajle ku jiiray Muqdisho oo ‘dad shacab ah’ qabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah gaadiidka qafulan ee Ciidamada AMISOM ay wataan ayaa Isniintii maanta wade Mooto Bajaaj wuxuu ku jiiray Isgoyska Zoobe, kadibna wuxuu isku dayay inuu ka dhaqaaqo.

Markii falkaasi uu dhacaayay ayaa waxaa arkaayay dadweyne kala duwan oo halkaasi joogay, balse waxa ay filayeen ayaa ah in gaariga AMISOM uu istaagi doono.

Gaarigii AMISOM ee falkaasi gaystay ayaa isku dayay inuu baxsado, balse shacabkii joogay Isgoyska Zoobe ayaa mar kaliya qaatay dhagxaan iyo biro waxaana ay isku gadaameen gaarigii Amisomta oo ay gacanta ku dhigeen.

Intaasi kadib dadkii shacabka ahaay ayaa waxa ay waceen Ciidanka illaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan, si kiiska dhacay loo cabiro kadibna Ciidamada AMISOM sharciga loogu qaado.

Goobjooge ayaa mareegta Halqarn.com u sheegay dadka shacabka oo careysan falka ay ku kaceen Ciidamada AMISOM inay qabteen gaarigii oo rabay inuu baxsado.

“Darawalka gaariga AMISOM waday inuu iska sii socdo ayuu rabay laakiin dadka shacabka ah ayaa qayliyay oo ku dhagay dhagxaan iyo Biro ayeey soo qaateen shacabka sidaas ayeeyna ku celiyeen.” Ayuu yiri Goobjoogahaasi.

Si kastaba, ciidamada AMISOM ayaa dhawr mar gaadiidkooda tacadiyo kala duwan oo ay ka gaysteen magaalada Muqdisho isaga dhaqaaqay, xilli aysan jirin cid kala xisaabtamaysa masuuliyada falalka ay gaystaan Ciidankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...