Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo weerar culus ku Qaaday Deegaanka Goof-Gaduud Buurey ee Gobolka Baay

Baydhabo (Halqaran.com)- Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Goof-Gaduud Buureey, oo hoosyimaada magaalada Baydhabo ee Caasimda KMG ah ee Maaamulka Konfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalkan ayaaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhow jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku ku leeyihiin deegaanka Goof guduud Buureey.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan uu dhexmaray labada dhinac, isla makaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

war qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen in ay lawareegeyn degaanka Goof-Guduud Buurey, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sido kale Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, in ay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Hayeeshee ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, marka laga reebo sheegashada alshabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...