Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

(Akhriso)Muuse Biixi Cabdi Oo Soo Saaray Xeer Mamnuucaya Ka Qayb galka Siyaasadda Soomaaliya

Hargeysa(Halqaran.com) –Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer ka dhan ah Siyaasiyiinta, Abwaaniinta, Madax dhaqameedka, Suugaan-yahanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada ee Koofurta Soomaaliya u tago arrimaha siyaasadda.

Nuxurka Xeerka oo 4 qodob lagu soo koobay ayaa lagu sheegay in Golayaasha Wakiilada Somaliland, Guurtida & Madaxweynaha ay isla garteen in la ciqaabo qof weliba oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyi-Somaliland ee ka qaybgala Siyaasadda Koofurta.

Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in qof kasta oo jabiya xeerkaasi lagu qaadi doono dambi ah khiyaano qaran, sida lagu shaaciyey xeerka maanta soo baxay.

Halka hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu ay tahay Lr. 16/122021 kasoo saaray mamnuucidda ka qeyb-Qaadashada  siyaasadda Soomaaliya.

Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka  Somaliland ayuu soo saaray.

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...