Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa Sabtidii maanta ka furmay Shirka madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaana lagu soo qaatay ajandayaal dhowr ah oo dhammaantood diiradda lagu saaray Xaaladda kala guurka dalka iyo Doorashooyinka Qaranka.
Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa Nuxurka Khudbooyinkii ay jeediyeen Madaxda shanta maamul goboleed ee dalka:
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay Soomaaliya inay heshiis ku tahay doorasho afartii sanaba mar ka dhacda, taasoo qeyb ka noqotay oggolaanshaha iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.
“Ujeeddada gogosha aan dhignay caasimadda Galmudug, waxaa ay tahay, in xal rasmi ah laga gaaro, xalka doorashooyinka Qaran ee innagu soo food leh” ayuu yiri Qoorqoor.
Qoorqoor wuxuu iska fogeeyay in shirkaan dowlad goboleedyadu kaligood go’aan ku gaaridoonaan.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
“Shirkan, waa shaqo loo qabanayo Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay ka hadlayaan waa howlo ay idiin qabanayaan oo ay shaqadooda idiin qabanayaa, Dalka doorashadiisu ay dhacdo waqtigeeda, dalkuna uu marxalad 2aad ugu gudbo, mida quruxda badan ee qof iyo cod aan gaari doonaa, maanta ma bilna suuragal maaha, wixii an ka badin weyno aan ka tashano oo aan aqbalno, wixii aan kari karno aan iimaansano, waxaan ku rajo-weynahay in sida Beesha Caalamku nala jecel yahay aan gaari doono”
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.
“Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maanta taal ee kala guurka ah sidii looga gudbi lahaa, waa wax mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku xiran, waa wax dowladda Federaalka ee aan xubnaha ka nahay dan u ah wax aan ka shaqeyneyno waa wixii nidaamka Federaalka inoo ogolaa”
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha Waare ayaa noqday Shaqsigii ugu horeeyay ee soo hadal qaaday Maqaamka Muqdisho kadib markii uu sheegay in ay tahay Caasimadda Canshuur bixiyaha ugu weyn dalka.
“Muqdisho Matalaad Xaq ayeey u leedahay, waxaa hadda noo yaal inaan ka hadalno maqaamkeeda, Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar hadanna waxaa u wehlisa Amni daro”
Madaxweyne Waare ayaa intaasi kusii daray” Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino”.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






