Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

AKHRISO: AMISOM oo qirtay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaaraddii ku burburtay Bardaale

Burburka diyaaradda African Airways ee ku dhacday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Bardaale (Halqaran.com) – Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom, qoraal ka soo baxay ayaa looga hadlay baaritaanada ku saabsan diyaarad Ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxa ay aheyd nooca yar yar ee 30 ruux qaada, waxaana ay waday shixnad dawo aheyd, balse intii aysan ka dagan Garoonka Diyaaradaha Bardaale ayaa lagu dhuftay Qoriga Suuga, waxaana ku dhintay diyaaradaasi lix ruux oo Somali iyo Kenyan isugu jiray.

Warbixinta Amisom waxa ay ku cadeeyeen diyaaradaasi inay soo rideen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom, waxaana Amisom ay sheegeen in Ciidankaasi ay ka shakiyeen jihada ay ka timid diyaaradaasi.

Qoraalka Amisom ayaa lagu sheegay Ciidamada ku sugan Garoonka Bardaale in aan lagu soo wargelin diyaaradda, sidoo kalana diyaaradda ay ka soo baxday jiho khaldan, Ciidankana ay uga shakiyeen diyaarad qarax wada oo rabta inay Garoonka bartilmaameedsato.

Si kastaha ha’ahaatee, ka sokow warbixinta Amisom ka soo baxday ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Itoobiya si bareer ah diyaaradaasi u soo rideen, haddii aynaan wax digniino ah siinin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...