Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

XOG AKHRI: Maxay ka dhigan tahay Xilka cusub ee maanta RW Kheyre u magacaabay ‘Bashiir Goobe’ oo dhawaan xilkiisa laga xayuubiyay?!

Muqdisho (Halqaran.com) – Raii‘sul Wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xil cusub u magacaabay Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Bashiir Maxamed Jaamac ayaa khamiistii waxaa laga qaaday xilka Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana isla maanta loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu shaaciyay magacaabista Bashiir Goobe.

Inkastoo Bashiir Maxamed Jaamac uu yahay ninka ugu darajada Sareeya Ciidamada Soomaaliya ayaa haddana xilkaan cusub ee maanta loo magacaabay aanan la ogeyn inuu aqbali doono iyo in kale.

Ugu dambeyn, Bashiir Goobe ayaa xilal kala duwan wuxuu ka soo qabtay dowladihii soo maray dalka, xilkii ugu dambeeyay ee laga qaaday wuxuu ahaay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...