Monday, May 11, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Xisbiga Wadajir oo diiday la kulanka Farmaajo iyo Xisbiyada dalka ka jira (Ogow Sababta!)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Wadajir ee uu Hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyadda dalka ka jira.

Qoraal uu soo saaray Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo aysan ka qeyb gali doonin.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in xisbiga uu kaliyah kulanka ka qeyb galayo ilaa Dowladda raaligalin iyo magdhaw ka bixiso dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geysatay, gaar ahaan dhacdadii lagu weeraray Xarunta Xisbiga 17 December 2017 oo aanay dowladdu illaa hada cudur daar ka bixin.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa,waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa lagu yiri qoraalka.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...