Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo goor-dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay wax yar ka hor qarax gaari lagu soo rakibay.

Gaari noociisa uu yahay Premio ayaa waxaa lagu dhajiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ku dhaawacmay ruuxii watay gaarigaasi.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen dhaawaca shaqsigii watay gaariga, waxaana la geeyay goobaha caafimaadka.

Waa qaraxii labaad oo ka dhaca Muqdisho maanta oo keliya, waxaana qaraxyada ay yihiin kuwa dhajiska ah ee baabuurta lagu xiro.

Waxaa muddooyinka dambe soo hagaagayay ammaanka Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay dadku ka nasteen daryanka qaraxyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...