Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: JUBBALAND oo u hanjabtay mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka ‘‘Ciddii DF Somaliya la shaqeysa tallaabo adag baan ka qaadeynaa‘‘!

Kismaayo  (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa xil ka qaadis ugu hanjabay Mas’uliyiinta Maamulada Degmooyinka, haddii ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka jubaland oo laanta Af Soomaaliga ee BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo ka goostay maamulkooga.

Waxa uu sheegay n ciddii culeys lagu saaro in ay Jubaland ka tagto oo ay dowladda federaalka u shaqo tagto ay arrintaasi xor u tahay, waxa uuna intaasi ku daray in mas’uulki ka tirsan maamulkooga ee shaqada ka taga ay isla markiiba booskiisa buuxinayaan oo cid kale ay xilkaasi u dhiibayaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa beeniyay in laga hor istaagay in uu Tago Degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow,balse uu ka baqay in rabasho ka dhacaan Degmooyinkaas.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ay shaaciyeen in ay Jubaland ka goosteen oo ay haatan toos u hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...