Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

SAWIRRO: Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadda kadib la xisaabtamaya Wasiirrada Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu maanta bilaabay la xisaabtanka Golihiisa Wasiirada, iyadoo Wasaaradaha uu ka dhageysanayo waxqabadkooda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta Wasaaradda Cadaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ku bilaabay dhageysiga waxbixinta sanadlaha ah, iyadoo uu ka dhageystay wixii u qabsoomay sanadkan sii dhammanaya.

Wasaaradan ayaa waxay warbixinteedan ku soo bandhigtay waxqabadkeeda, iyadoo xubnaha Wasaaraddu ay sharaxaad dheeri ah ka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, wixii u qabsoomay sanadkan 2019.

Warbixinta la siiyay Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ku cad sida Wasaaraddu u dedejisay adeegyada loo baahan yahay, min degmo illaa deegaan, isla-markaana ay Jubbaland ka hirgelisay dhismooyinka maxkamado iyo adeeg garsoor oo dhameystiran.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa waxay warbixinteeda oo buug lagu diyaariyay ku xustay caqabadaha haysta, ee loo baahan yahay ka maamul ahaan in la hubiyo, ka dibna la xaliyo, si adeegga maamulka uu u wada gaaro dhammaan bulshada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu dambeen boggaadiyay shaqada Wasaaradda Cadaaladda, Garsoorka & Arrimaha Diinta ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...