Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

DFS oo Gargaar u Dirtay Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha

Muqdisho(Halqaran.com)-Dawladda Soomaaliya ayaa maanta gargaar waxa ay gaarsiisay dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha Biyaha ka jira qaybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Baay.

Labo Diyaaradood oo siday gargaar degdeg ayaa maanta mid ka mid ah waxa ay gaartay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halka mida kalena ay u ambabaxday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Magaalooyinkan ayaa waxaa ku sugan qoysas ay saameeyeen Fatahaadaha ka dhashay daadka roobka iyo webiga shabeelle oo karkaarada jabsaday ,kuwaasi oo nolol xumo ay ku hayso meelihii ay u barakaceen.

Dawladda Soomaaliya ayaa dadaallo ku bixinaysa sidii ay u samata bixin lahayd shacabkeeda Soomaaliyeed ee dhi baatadu haysato, iyadoo qaylo dhaan u dirsatay beesha caalamka sidii ay uga garabsiin lahayd u gurmashada dadkaasi dhibban.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...