Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Xasan Cali Khayre oo Fariin u Diray Beesha Caalamka

Muqdisho(Halqaran.com)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Warqad uu u diray Raysal Wasaaruhu dhamaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leysaga kaashado, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Waxa uu sidoo kale Xasan Cali Khayre Raysal Wasaaraha Dalka uu sheegay in daadadku ay saameeyeen deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, halkaasi oo ay ka jirto dhibaatada ugu badan

Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin dalka ku soo rogaal celiyay sanado ka dib

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...