Thursday, April 23, 2026
27.7 C
Mogadishu

UPDATE: Xaaladda Dhuusamareeb oo Caawa Kacsan (Maxaa cusub)?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Warar goor-dhow caawa naga soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Ciidamo ilaallo u ahaa madaxa Xukuumadda Galmudug oo ku sugnaa Xarunta INJI ayaa rasaas lagu furay, mana jirto wax Khasaare ah oo ka dhashay sida ay mareegta Halqaran.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sidoo kale, guriga rasaasta lagu furay ayaa waxaa ku sugnaa Guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu Magacaabay madaxa Xukuumadda Galmudug.

Waxaa caawa aad u kacsan xaaladda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Kuwa Ururka Ahlu-sunna.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...