Wednesday, July 8, 2026
25.2 C
Mogadishu

UPDATE: Xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta Ansixiyey Sharci muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha horyimid si looga weeydiiyo su’aalaha ay qabaan xibnaha Senatarada Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 3aad waxaa soo xaadiray 31 Senatar,Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay ansixinta Xubinta Cusub oo kamid noqaneeysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka .Waxaa codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

Sidoo kale Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,waxaana u codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaqay in Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka uu ansax yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...