Sunday, May 31, 2026
26.1 C
Mogadishu

Jubbaland oo faah-faahin ka bixisay howlgal ay ka furisay Jubbalada Hoose iyo Gedo

Kismaayo (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah-faahin waxaa ay ka bixisay Howlgallo ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame, sida Jadeecaaleey, Goraa, iyo Holaa,  isla markaana ay la wareegeen,sidoo kalena ay dileen Saddex ka tirsan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in howlgallada Ciidamadu ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka, Dooloow, Balad-Xaawo iyo Luuq gaar ahaan tuulooyinka Bohol Hareeri Tuur iyo Babaa, isla markaana, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay Ciidamadu la wareegeen.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xusay in u jeedka howlgallada ay ahaayeen inay ka hortagaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay lacago ka qaadaan dadka Shacbaka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...