Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

XOG: Maxay tahay Sababta loo xiray Wariyihii gaarka ahaa ee Duqii Muqdisho AUN Eng. Yariisow?

Bidix, wariyaha la xiray iyo AUN Eng. Yariisow /Sawir Hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska ayaa Xabsiga dhigay Wariye Axmed Nuur Maxamed oo ahaay Wariyihii gaarka ahaay ee Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Axmed Nuur ayaa la sheegay in lagu xiray Xarunta dambi barista Ciidanka Booliska Somaliyed ee C.I.D, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga lagula kacay.

Wariye Axmed Nuur Maxamed ayaa amarka lagu xiray waxaa bixiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo la hadlay mareegta Halqaran.com

Wariyaha la xiray ayaa la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo u qaabilsanaay dhanka warfaafinta Xafiiska.

Axmed Nuur oo ah shakhsi dadaal badan oo dhalinyaro ah ayaanan la ogeyn waxa loo xiray iyo sababta keentay tuhunka xilligaan soo galay.

Saraakiisha Booliska qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahiyaan sababta loo xiray Wariye Axmed Nuur Maxamed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...