Thursday, July 16, 2026
26.2 C
Mogadishu

Warar cusub oo ka soo baxaya hoobiyeyaashii maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Hoobiyayaal maanta lagu weeraray Xarunta Xalane ay dagan Yihiin Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM.

Ilaa 3-hoobiyaye ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane,waxayna geysteen khasaare dhaawac u badan, iyo burbur xoogan oo  gaaray dhismayaasha Xarunta.

Inta la xaqiijiyay waxaa hoobiyayaasha ku dhaawacmay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin askarta Ciidamadda Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka.

Xarunta Xalane ee kutaala garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan taliska ciidamada AMISOM, safaaradaha reer Galbeed iyo shirkado badan oo reer Galbeed ah, xaruntan ayaana ah mid amaankeeda si weyn loo adkeeyo.

Maleeshiyaadka Ururka Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Hoobiyayaasha Lagu Weerarao Xarunta Xalane.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...