Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Sidee Soomaaliya looga xusay maalinta Boostada Adduunka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Eng: Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay heer gaba-gabo ah marayaan dedaallada dib loogu billaabayo dirista Boostada Dalka.

Wasiir Canshuur, oo ka hadlayay munaasabada lagu xusayay Maalinta Boosatada Caalamka iyo 60 guuradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Boostada Adduunka ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay dedaallo dheer usoo mareen sidii ay Boostada Soomaaliya ula jaanqaadi lahayd Caalamka intiisa kale.

Eng Canshuur; ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd Boostada Dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada Boostada casriga ah iyo kuwa Dowladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga Teknolojiyada Adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta Boostada, maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso Dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay Magaalada Tokyo ee Dalka Japan Sanadkii 1969-kii,  iyadoo ujeedkuna uu yahay sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta Dadweynaha ee kaalinta ay Boostadu ku leeyaday horumarka dhaqan-dhaqaale ee Dal kasta.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Midowga Boostada Adduunka 1-dii Abriil 1959-kii, waxaana xilligaasi adeegga Boosto ee Dalka ka shaqeyn jiray in ku dhow 3 kun oo Qof, iyadoo ay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay Dowladdii Millitariga ee bur-burtay 1991-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...