Wednesday, June 17, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Boqor Buurmadow oo si kulul ugu jawaabay Feysal Cali Waraabe, Raali-gelin siiyay Madaxweyne Geelle

Hargeysa (Halqaran.com) – Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah isimada Dhaqanka ayaa Raali gelin ka siiyey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti iyo Marwadiisa Aflagaado uga timid Guddoomiyaha Xisbiga muraacadka ee UCID Feysal Cali Waraabe iyo Xildhibaanno ka tirsan Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Madaxwaynaha Jabuuti iyo Marwadiisu aysan geyn in lagu ceebeeyo inay dhinac istaageen Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kalana ay dadka dhibaataysan oo Somaliland ay ku jirto Markii Dalku Burburay ay ka doonan jireen Baasabooro, arintaasina ay mudan tahay in looga mahad celiyo.

“Waxay Aflagaado Qaawan u gaysteen Shacabka iyo Madaxwaynaha Jabuuti, Sidoo kalana waxay meel uga dhaceen dad u dhashay ummadan, Sida marwada madaxwaynaha Khadra Xayd oo dadkan ka dhalatay”.

“Feysal Cali Waraabe wuxuu ka soo jeedaa Qoys qiimo badan, waxay ahayd inuu dhaqanka ilaaliyo, gaar ahaan Dumarka iyo dadka Xushmada inagu leh, waxaan Xaal marin siinayaa Madaxwaynaha Jabuuti oo uu ku tilmaamay nin Ummada Soomaaliyeed Cadow ku ah, oo Somaliland dhib ku haya, Ismaaciil Hadduu Walaalaha Soomaaliyeed wax taro Somaliland ayuu wax taray, weliba wanaag badan ayuu noo galay‘‘ ayuu yiri Boroq Buurmadow.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa sii raaciyay Boqor Buurmadow‚‘‘Waa nin Soomaaliya markii ay Godka ku dhacday Gurmad badan sameeyay, Markasta wuxuu naga mudan yahay Ixtiraam,  Arimaha Baasaboorka waa wax laga xumaado in lagu Aflagaadeeyo Ismaaciil Cumar Geelle,   Faysal oo haysta Baasaboorka Finland inuu ku caayo Baasaboorka Jabuuti waa wax laga xumaado‘‘.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...