Wednesday, June 17, 2026
26.4 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ciidamada dowladda lagula eegtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa wararku waxa ay sheegayaan in lala eegtay Gaadiid ay la socdeen ciidamo Millateri ah oo ka baxay Muqdisho xilli ay marayeen Isbaarada Shabeelle oo u dhow degaanka Siinka-dheer.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa Miino uu qabsaday Gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidamada, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, hayeeshee aysan cadeyn karin tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloobay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray rag hubeysan iyo Ciidamada Dowladda ee qaraxa lala eegtay, hayeeshee aan la ogeyn baaxada dagaalka.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada qaraxa lagu weeraray ayaa halkaasi ka sameeyay howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii qaraxaasi ka dambeeyay.

Deegaanka Siinka-dheer iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo Miino, kuwaas oo lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa Amisom ee wadadaasi ku safra waxaana qaraxyadaasi mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...