Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya dacwad lagu soo oogay?

Nairobi (Halqaran.com) – Shirkad qaabilsan dhanka dhismaha oo laga leeyahay Kenya ayaa Dacwad ku soo oogaysa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Sida uu baahiyay Waregeyska The eastafrican, Shirkadda Kingsley ayaa sheegaynaysa in lacag ka badan $200 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ku leedahay safaaradda kaddib markii ay dayactir ku sameysay.

Sidoo kale shirkadda ayaa sheegatay In heshiiska dayactirka dhismaha safaaradda iyo guriga Lower Kabete  oo ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Nairobi heshiiskeeda saxiixday sanadkii 2016-kii.

Dacwadda  lagu soo oogayo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa timid kadib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo Dukumiintiyo la xiriirka kiiska dacwadda ka soo dhameynayay uu ku dooday in la xiray lana jirdilay.

Balse safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed nuur (Tarsan), ayaa beeniyay eedeha loo jeediyay,wuxuuna sheegay in uusan jirin qof la jirdilay ama la xiray isaga oo xusay in safaaraddo aysan lahayn qolal wax lagu xiro.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...