Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin cuusb & wararkii ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay degmada Afgooye

Afgooye (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaysa weerar maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab xalay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay Saldhig Ciidanka ay ku leeyihiin Buundada yar ee gudaha Magaalada Afgooye, kadib markii maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan Bambooyinn iyo iska hor imaad toos ah ay ku weerareen Saldhigaasi.

Ciidamada dowladda oo ku jiray xaalad feejignaan ah ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarkaasi kaga yimid Ciidamada Al-Shabaab ee xalay ka dhacay Degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay weerarkaasi oo dhankooda soo gaaray, balse aysan ogeyn Shabaab khasaaraha ka soo gaaray weerarkaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar weeraro gaadmo ah ka gaystay gudaha Degmada Afgooye, inkastoo aysan ku sugnayn Magaaladaasi, balse waxa ay joogaan daafaha Afgooye halkaasi oo weerarada ay ka soo abaabulaan.

Waxaa iminka deggan xaaladda Degmada Afgooye, waxaana Saldhigii la weeraray ku sugan Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...