Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Shirka IGAD ee Jabuuti

Jabuuti (HalQaran.com) – Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 14-aad ee shirka IGAD ee dalka Jabuuti ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiima oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, islamarkaana ay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.

Madaxweynaha JFS Xasan ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Khawaarijta ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somaliya dib ugu soo laabtay.

Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay Madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiimah oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.

Uug dambeyn, Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...