Lusaka (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.
Waxaa shirkan looga hadlayaa is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Qaarada, kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo ajanyadaal kale oo muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalalka ku midaysan dalladan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ka mid noqoshada suuqan iyo fursadaha ay u abuuri karto shacabka Soomaaliyeed.
Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in isla maanta ay golaha Xukuumaddu ansixiyeen ku biiridda suuqa COMESA, iyadoo loo gudbin doono golayaasha sharci dejinta ee dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





