Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxyadii Sabtidii shalay ka dhacay Caasimadda Muqdisho, kaasoo geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyadeed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tacsi u diray dowladda.
Dowladda Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska ay dadka uga dhinteen qaraxyadii Muqdisho, waxaana Alle Caafimaad u weydiiyeen dadka dhaawacmay oo gaaraya ku dhawaad 100 qof.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.
Sidoo kale, qaraxyadii dhacay ayaa waxaa cambaareysay dowladda Qatar, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.
Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay 100 qof, halka 300 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jiray Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo farabadan.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ay ku le’deen shacab aan waxba galabsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannnews@gmail.com





