Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wasaaradda Caafimaadka ee XFS oo sheegtay in dhaawacyada culus dalka dibaddiisa loo qaadayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.

Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...