Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya Xasan Sheekh oo Shir muhiim ah uga qeybgalaya Jabuuti

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray xalay dalka Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Ambouli International Airport Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu Jabuuti kaga qeyb gali doono shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kkudbad uu kaga hadlayo isedelka cimilada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalka, sida la dagaallanka Al-Shabaab iyo Abaaraha uu ka jeedin doonaa Shirka.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti Madaxweynaha ayaa waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mr. Geelle.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa Madaxdii shalay ka qeyb gashay munaasabaddii xariga looga jarayay dekadda Magaalada Garacad ee Gobolka Muudg, kadib uu safar deg deg ah ku tegay dalka Walaalaha aynu nahay ee Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...