Bakool (Halqaran.com) – Ciidanka xoogga gaarka ah ee dowlad Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Boolis ayaa hawlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Uurrka Al-Shabaab ka billaabay xadduudka Deegaanka uu la wadaago Soomaaliya dhinaca Gobolka Bakool.
Saraakiisha ciidamada Liyuu Boolis ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa weerarro ay Ururka Al-Shabaab ku soo qaadaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida iyo qaraxyo laga cabsi qabo inay fuliyaan
Sidoo kale, Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen inay adkeeyeen amniga xadduudka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo dhinaca Gobolka Bakool, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.
Waxay aheyd maalmo ka hor markii Ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool, halkaas oo tuulooyin u dhow ay Ciidanka liyuu Boolis sheegeen inay la wareegeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





