Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Maxaa Ka Jira Dowladda Turkiga ayaa kusoo biirtay howlgallada lagu duqeynayo Al-Shabaab?

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in dagaalka xilligaan lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobolada adlka ay kusoo biirtay dowladda Turkiga oo taageereysa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Wasiirka wuxuu sheegay in Diyaaradaha dalka turkiga ay duqeeyeen goobo ay isku aruursaneen ururka Al-Shabaab, si ay dhibaato u geystaan, isla markaana ay beegsadaan meelaha culeyska weyn laga dareemo.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeya in uu cirka (Duqeyn) ku beegsanaya Cadawga marka uu meel isugu tago, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya & Dowlado kale oo sirdoonka caawinaad ka geysanaya” Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan saddex dhinac Dad marin-habaabinaya  howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Dalka.

“Kooxo saddex ah ayaa shakhigaas qaba, Kooxda 1aad Waa Argagixisada nafteeda ayaa waxaas wada, Kooxda 2aad ee wax buunbuunisa ee shakiga qabta waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore oo Shabaab ogolaatay in Dekedda Canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay Wadada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas & CBB-deeda dacaayad way wadaan, Kooxda 3aad waa Koox Deegaankoodu nabad ah oo dhulal nabad ah ka yimid oo rabta in ay gafane Dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa raba weeye” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa kusoo aadaya xilli Gobolada Hiiraan & Galgaduud ay ka socdaan howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda & dadka degaanka, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...