Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Qoor Qoor oo daah-furay Shirweynaha dib u hishiisiinta beelaha Galmudug.

Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa maanta ka daah furay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb shirweynaha dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeynaayo khilaafaadka iyo gacan ka hadalka soo laablaabta ee ka dhex jira Beelaha Galmudug kuwada Abtirsada, Si fursad loogu helo la dagaalanka argagaxisada iyo ka miro dhalinta gulufka lagu cirib tirayo argagaxisada ee ka socda Deegaanada Galmudug.

Shirweynahaan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug oo kaashaneysa madaxtooyada Galmudug, Waxaa furitaankiisa ka qeyb galeen madaxda dhaqanka beelaha Galmudug, iyagoo munaasabada ka sheegey in ay muddo dheer sugayeen shirweynahan Oo kale.

Cabdi Maxamed Jaamac Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Ayaa yiri ” Muhiimada aan shirkaan u qabanay ayaa ahaa,In heshiis rasmi ah ay wada gaaraan madaxda dhaqanka Galmudug, isla markaana Dowlada fulin doonto Wixii lagu hishiiyo dhankooda”

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirka si rasmi ah u furay Ayaa yiri ” Waxaan ka xumahay colaadaha beelaha walaalaha ah ee joogtada noqday,Waxaana soo abaabulaan Argagaxisada Al-Shabaab oo hadafkoodu yahay,Inay kala dhantalaan Shacabka”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...