Landon(Halqaran.com) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Landon oo ah Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo socdaalay Dalka Mareykanka, ayaa Magaalada Landon uga qeyb galay maalinta Berri duugta loo sameynaya Boqoraddii Ingiriiska Elizabeth
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madax badan oo ka qeyb galaya duugta Boqoraddii hore ee Dalkaas, Madaxda gaartay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka Mareykanka Join Biden isaga oo la kulmay Boqorka cusub ee Taajka ka dhaxlay Hooyadiis Queen Elizabeth ee Charles.
Magaalada London xarunta Ingiriiska waxa ay gashay saacado mashquul ah oo waxaa dalkaas kusii qulqulaya Madaxda ka qaybgaleysa aaska loo sameynayo Queen Elizabeth II oo 70-sano maamulaysan Britain, taas oo geeriyootay 8 September 2022.
Sido kale Duugta ka dib Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Magaalada New York, isaga oo ka mid ah Madaxda u khudbad ka jeedineysa shirweynaha 77aad ee Golaha Loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





