Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Abooreey(Halqaran.com) –Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo kuyalla Gobolka Hiiraan, kaidb dagaalo ka dhacay.

Howlgalka oo ay siwadajir u fuliyeen Ciidaada qeybta 27aad iyo Guutada 17aad ee Gorgor ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannad kala ah, Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.

Cabduqaadir Axmad Cali oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalka uu yahaymid qorsheysan oo dhammaan degaannada Gobolka Hiiraan ay uga saarayaan Ururka Al-Shabaab.

Sido kale Gobolka Hiraan ayaa waxaa ka socdo howlgallo culus, ayada oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay garab weyn ka helayaan maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...