Jowhar (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaas oo si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada.
Qaraxani ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid lagu xiray Gaari Noaha ah oo yaallay halka loo yaqaano toddobada Geed oo kasoo horjeeda Hotelka Nuur Doob ee dhawaan qaraxa lagu weeraray.
Qaraxani ayaa waxa uu dhacay xilli Ciidamada Booliska ay gaariga baarayeen.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu geystay khasaaro kala duwan, waxaana Ciidamada Ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ilaa iyo hadda lama shaacin inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay qaraxaasi, waxana goobta ku sugan oo howlo baaritaano ah ka wada Ciidamada Amniga, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta u dbawaadaan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco HalQaran News
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





