Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Maxaad ka Ogtahay Ujeedka Safarka Madaxweyne Cabdi Casiis lafta gareen ee Dalka Itoobiya……

Addis-Ababa (Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaas.

In kastoo aan weli la shaacin waxyaabaha uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadli doono Madaxda Itoobiya ayaa hadana safarkiisa waxaa uu kusoo aaday xilli Xaduuda Koonfur Galbeed ay la wadaagto dowlad degaanka  Soomaalida ay weeraro ka bilaabeen todobaadyo kahor Xubno katirsan Al-Shabab.

Dhawaan ayaa magaalada Baydhabo waxaa tagay saraakiil ka tirsan milateriga dowladda Itoobiya, kuwaasi oo halkaasi kulan looga hadlayay ka hortaga weerarada Al-shabaab ay kula yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa la sheegay in isbedel lagu sameeyey taliska hoggaanka, iyadoo xaduudaha gobolada Baay iyo Bakool la geeyay ciidamo cusub oo ka tirsan milateriga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo farabadan oo qaarkood ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana sidoo kale Magaalada baydhabo kajooga Ciidamo farabadan oo ilaaliya amniga goobaha muhiimka ah.

Sido kale wararka ayaa sheegaya in  Cabdi Casiis Lafta gareen uu casuumaad Rasmi ah  ka helay madaxda dalka Itoobiya,

Dhanka kale Waxaana si Rasmi ah loo ogeyn waxa xilligan ku soobeegay in madaxada Maamul Goboleedyada qaarkood ay aadaan Ama loogu yeero Dalka Itoobiya, Ilaa hada lama xaqiijin karo qodobada ay ka hadli doonaan Madaxweyne Lafte gareen iyo Madaxada Dowlada Itoobiya .

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...