Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo Taageertay dowladda Shiinaha.. Maxay tahay Sababta?

Muqdisho(Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale Maanta waxaa ay ku celisay taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida dowladda Shiinaha, madaxbannaanida siyaasadeed, madaxbannaanida dhuleed iyo midnimo qaran ee dalkaas uu leeyahay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa waxaa lagu caddeeyay in DFS ay si buuxda ula garab taagan tahay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha si ay u difaacdo madax banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Sidoo kale waxay ku baaqday in la ilaaliyo qaraarada ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Ururka Midowga Afrika.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ku celinaysaa taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida Shiinaha, madaxbannaanida siyaasadeed, madax bannaanida dhuleed iyo midnimo qaran, waxayna ku baaqaysaa in loo hoggaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee khuseeya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

waxaa kaloo ay sheegtay mowqifkeeda adag ee ku aadan in la ixtiraamo siyaasadda hal-abuurka ah ee Shiinaha, iyadoo u aragta in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulalka Shiinaha.

Soomaaliya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Shiinaha, iyadoo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah ay ku kala soocan yihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta ee faa’iidada guud, iyadoo ay sii dheer tahay isku xirka jagooyinka heer gobol iyo heer caalami.

Ugu dambeyn Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay markii Shiinaha ka caroodeen booqashadii Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan. Sidoo kale Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka wada marin biyoodka Taiwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...